qor qornaa ilwaad
qoor taaganaa
dhexdu qabasho iyo
qoton toosanaa
qumanidu dhaqaaq
qoob dhigis samaa
way iqaadatee
qoftu dhaladsanaa
indhihii qabtaa
la qushuucsanaa
kasha qaayibtaa
qiiray sanaaa
qaadir baa simee
yartu qani sanaa
ala qurux saanaa
oo qaab samaa
yarta qalanjadii
qiimay sanaaa
alla qaayo iyo
qalbi xaadhanaa
oo qawsaniyo
qosol fiicanaa

Exit mobile version