nolosha inaan maalmo qurux badan
ku qaato ayaan rabaa
agtaadoo qudha macaan

qalbigu inuu ii dagoo
qaboobaan doonayaa

inaad farxad ii qortood
qof kale noqda baan rabaa
inaan quful kuugu xidho
qasnada wadnahan rabaa
furaha qabatood macaan
inoo qarisaan rabaa

dunida qaybaha ka hadhay
dharaaraha qaaliga ah
agtaadoo qudha inaan
ku qaato ayaan rabaa

jacayl qiso reeba oo
dunida qabsadaan rabaa
inaan kula qaybsadoo
rabaa kula qaybsadee

inaad farxad ii qortood
qof kale noqda baan rabaa
inaan quful kuugu xidho
qasnada wadnahan rabaa
furaha qabatood macaan
inoo qarisaan rabaa

Exit mobile version