cindigu naf uu soo xushoo
caqligu aqbalaa tahee
hadaynu yar kala cadhoonay
ha moodin inaan colownay

halkaan adi kuu cabiray
ee aan calan kaaga sudhay
anigu calan kaaga sudhay
cid qaadan kartaa miyay
ifkaba cago soo dhigeen

maxaad u cidlayn naftani
oo aad u cidlayn naftani
cideed ku halayn qalbiga
cod dheer waxaan ku leeyay
cishana adi kaama maarmo

anaa ku cugtoo ku jecel
gayaankana kaa calmaday
cisiyo sharafbaad agtayda
ku leedaay camal saneey

waxaan adi kaa codsaday
cawooy basharbaan ahee
hadaan ku canaantay maalin
amaba ku ciilay wali
hadaaan u canaantay maalin
xabiibii cafisbaan ku leeyay

Exit mobile version