adaan inayahay ku doonay
dooqaygu aduu ku raacay
adaan dumar kaa ishaartay

adaa wiil yohow ideeqay
adaa dagay laabta hoose
adaan dusha kaa arkooday

dareenka adaa aabuuree
dawee macaan dawee
naf jacaylku daaray

idaji xamar iyo af gooye
ceel dheer dalxiisi maalmo
damaashaad i dhe cadaado

anaa gabadhyahay ku doortay
adaan daacad kuu jeclaaday
qalbiga adigaa daweeyaa

adaa inanyohow dartaada
ragoo idil aan u diiday
adaan kugu xidhay duntayda

Exit mobile version