ilmada goboo iga tiri
gadhka iga qoysayee
geeyada cashaqee

dhugtaanyada beertayban
dhibteeda ayaan goconayaa

nasiib iga gaaxdayo
garmaan i godo raadiya
gulaan tala saartayo
kamaan hadhin guusha wali

gargaarka rabaa iska leh
aadmiga godob dhigitoy
gobood fale wuu arkaa

gadoonkiyo waayihiyo
wixii hore galbadee
aniga garshaa i tidhi

ka guur qalbigana ka go
ka gaabso gocoshada

kashaydaan gabagaba iyo
gudoon loo dhigay mar hore
marnaba kama gaagaxde
gaashankyagaa ka adag

gargaarka rabaa iska leh
aadmiga godob dhigitoy
gobood fale wuu arkaa

Exit mobile version