waqtiga tagay tiigsan maayo
maalmaha togan taaban maayo
tusaale xun qaadan maayo
jacaylkaygaa tasoobay
naftayda u toosin maayo
tashiga badana yeeli maayo
haa haa yeeli maayo
tabiyo xogaan ogaan
tabaalo ku raaci maayo
hankaygana toogan maayo
horaan ugu turun turooday
horaan ugu tacab qasaaray
maantana tahbiibin maayo
taliyo tusan diidi maayo
xigtiyo timi sheegi maayo
tubtaan mari seegi maayo
jacaylkaan taabi waayay
dib danbe u tixraaci maayo
talaabo xun qaadi maayo
shalay taladii i dhaaftay
tawaawac ka dheefi maayo
tashuush danbe dooni maayo