sida naqa iyo roobka neecawdiisa
nasan weeye nasiibkaygu tu isiiyay
waa naruuro arageeda lagu naaxo
niyadayda magaceeda ku noqnoqey
ida dhawra i daryeela nafaqeeya
naxli diida nacaybka iima looga
nusqantiyo xumantana laga naaray
sida nooca xurancaynta najax weeye
nimco eebe nasri iyo nolol weeye
nalka waaye dhaayahayga nuurka siya
naxariista hadalkeedu waa nasteexo
guna kasto nikaaxeegu farax weeye

ku najaxay wan ku dagay ku nagaaday
nolosheeda kama marmo noloshayda
waa naftayda nis ka mida nafsadeedu
ka naqaystay kaligedna naflaho dhan
nafar kale lama simo najaxdayda
ubaydkay nuujisa na dhex yaal
nataqiyo uma quudho wax nugleeya

Exit mobile version