VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Najax - Lyrics

sida naqa iyo roobka neecawdiisa nasan weeye nasiibkaygu tu isiiyay waa naruuro arageeda lagu naaxo niyadayda magaceeda ku noqnoqey ida dhawra i daryeela nafaqeeya naxli diida nacaybka iima looga nusqantiyo xumantana laga naaray sida nooca xurancaynta najax weeye nimco eebe nasri iyo nolol weeye nalka waaye dhaayahayga nuurka siya naxariista hadalkeedu waa nasteexo guna kasto nikaaxeegu farax weeye ku najaxay wan ku dagay ku nagaaday nolosheeda kama marmo noloshayda waa naftayda nis ka mida nafsadeedu ka naqaystay kaligedna naflaho dhan nafar kale lama simo najaxdayda ubaydkay nuujisa na dhex yaal nataqiyo uma quudho wax nugleeya
Queue is empty
-- / --