dhararka muuqiyo laxaadka
dhayaha kugu yaal sunaha
dhismaha quruxiyo ilwaadka
allaa kuu dhaliyay laxaadka
dhabanka godan iyo asluubta
hooya kugu dhashay wanaaga
kartida dhiirdhiirananta
aabod dhaxashad ka raacday
muunay waxa tahay dhabeelsan
dhamys sharafloo hanuunsan
dhulkaad ku kortaad hanaansan
ninkaad u dhaxdaa nasiibsan

timaha dhabarke ee garbahaa
u dhaadhacay qaarka hoose
ilkaha dhaydaa cadaanka
la dhaygagay qayahaaga
dawada dhinto tintaydu
dhawaaqa qosolkaaga weeye
dhankaad iga joogtid weeye
dhaayahu sii jeclaanayaan

Exit mobile version