majeed kale u muuqdoo
ruxaan jeenni laga hayne
hadana jooga oo maqane

allow jaanta yaa dhiga
jiinkii ganaaniyo
gadan jooyaheediyo
dhulka jaaha ugu wacan

oo jar intuu helay
saxansaxo jacayloo
qalbigan mar jiito
mar uun juuqda daaya

cakuyee jid gooday
hadu jaalka aan qabo
inan gedo dhex jooga
jadku uu mid kaa yahay
maad ii jihaysaan oo
jidka taaga i gaysaan

maxuu ogala jeeda
qofkaad jaanis siisaye
misana kug wada jikaare

allow yaa jarmaado
luuq iyo jamaamiyo
jilib iyo kismaayiyo
dhulka jaaha ugu wacan

mar uun yaa dhex joogsada
dhulkii aan jeclaayo
webiyadu dhex jiifen
jubaland yaa mar taga

Exit mobile version