miyaad hagran lahayd jacayl
hareer mari ruux ku raba
halkuu ku haboo wadnuhu
miyaad halis kula kacdaa
hoheey dhiigga hoorsataaa
axxeey dhiigga hoorsataa

halbowle miyaad jartaa
halkuu boodhari dhigiyo
miyaad hodan ila rabtaaa

halboowlaha dhiigga habey
aduu hayin kuu noqdee

hoggaankaa kuugu xiran
harraadayee ha iga goooyn

ogoow habadaa imaqan
hamuun baan kuu qabaa
jacayl baa igu habsaday
hurdaba hadalkeeda daa
halis buu igu wadaa

hayaan dheer baan jiraa
ogoow hadallada macaan
sidii baan u haybiyaaa

halboowlaha dhiigga habay
aduu hayin kuu noqdee

hoggaankaa kuugu xiran
harraadayee ha iga gooyn..

Exit mobile version