raaliyadii haweenkaay
raanidii aduunkaay

sida ridog doogliyo
ramaas baxayoo
lagu raysto waayaad
nafta raali galisaa

rafiiqaygiiyeey
waxaan kuu ruxayaa
rucub ubax ah oo jacayle
kaalay ila raxlee

raaxadii naftaydaay
raxmad hoortaybaad tahay

ana hadafka aan rabo
ka reebtoobi maayee
inaan raas dagnaabaan
u riyaaqsanahay wali

Exit mobile version