Xidigtii quruxdaay daryeela
Xarago wacaneey iftiima
Xubiga kaabaay xaq siiya
Xasila runta fiican sheega

Xulkii dumarkaay samsam
Xalkii noloshaay samsam
Xurmooy kalgacayl xanbaaraay

Agtaada markaan u xiiso
Xiligaan yara diiqadoodo
Erayo xaadaha dhaqaaja
Adaa xikmad igu qabooja
Xusuusaha igu waraabsha

Xidigtii quruxdaay daryeela
Xigtiyo ehelkeeda soora
Xalaal dhaladeey hibeeya
Dhabeel nasabeey xil qaada

Xantiyo beentaba ka faantaa
Xafida siraheeda dhawra
Xariir quruxlaay xishoota

Exit mobile version