VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Xidigtii quruxda - Lyrics

Xidigtii quruxdaay daryeela Xarago wacaneey iftiima Xubiga kaabaay xaq siiya Xasila runta fiican sheega Xulkii dumarkaay samsam Xalkii noloshaay samsam Xurmooy kalgacayl xanbaaraay Agtaada markaan u xiiso Xiligaan yara diiqadoodo Erayo xaadaha dhaqaaja Adaa xikmad igu qabooja Xusuusaha igu waraabsha Xidigtii quruxdaay daryeela Xigtiyo ehelkeeda soora Xalaal dhaladeey hibeeya Dhabeel nasabeey xil qaada Xantiyo beentaba ka faantaa Xafida siraheeda dhawra Xariir quruxlaay xishoota
Queue is empty
-- / --