koonaba adaan kuu jeceloo
kohashada cishqiga
waan la kacaa kufaa
adigay kuiyo kow jeer
naftani kugu koobantay
kaftankaaga way kaalmaysataa kolka aan ku dayo
kalgacayl ayaa igu soo kordhee
koolkooliyoo ila kori cishqiga

xiska kaama goyn qalbibaa ku tama
meel kaa tagayn
kuma nicin naftii ifka kuu jeclayd

qalbi kugu kalsoonbaa kugu lamaan
kuligood hablaha kacay kaala baxay
adna kaliyo laab igu kali ahaw

sida keeno ruug kali reemayoo
sidaan ahay ka reeb kuu ololayaa
keenada xubiga kurka ii sudhee
iga jabi kuraba kalmadaha macaan
ee kaarka dhaya ii sii kiniin

kax waxaan ahay cishqi kaydsamoo
igu laba kacee maana kolnaba
kaa maarmi kara kaa maarmi kara

Exit mobile version