intaan maaweelin karo
nafta waan madadaaliyee
markaan diiday waroo dhan
nafta waan madadaaliyee

mar hadaanad ila joogin
noloshuba macaan ma le
ilayn waad ka maqantee
magaaladu iftiin ma le

meel kastoo xubnahayga
ka midaa ku tabaayaa
maqnaantaada dhibaysa
iga daa mudo dheere
maalmahan socda kaalay
kasoo muuqo agtayda

intaan samir muujin karo
nafta waan ku muquuniyee
ma yaraysan dulqaadna

intaad maqantay dheertahay
hurdo kuma ladaayee
ma huraankii nolosha
sow ma ogid inaad tahay

Exit mobile version