Ballankii Ilaahay
sharaf kugu habooneey
Bilaneey hadaan helin
ha’woow guura ii duumin

saw badi hablaha qaar
biyo kuuma siiyeen
sow barkeed adduunyada
kaaga ma dhigeen boqor

Balse waxaad ogaataa
inaan baydi iyo hodan
iyo meel barwaaqa ah
ugu baaq is leeyahay

Badbaaddadii naftaydaay
farxaddaan is barannaay
niyad lagugu beeraa
soo booqo igu tiri
sow beel nimco ahi iyo
bulsho caafimaad
barni inaan ku kulannaa
beerkeyga kumaan hayn

Balse waxaad ogataaa
inaan baydi iyo hodan
iyo meel barwaaqa ah
ugu baaq is leeyahay

Exit mobile version