aragsaneey tin iyo cidhib idileey
aynigii qurux heer ilwaadeey
iriqi kaama dhinoo ayadee

ma afar ito tobnaadbaa
dayax oogada hayaa
abuurada ILAAHAY
amaantoodu badanaa

ubaxiyo udgooneey
indhahaad u roontoo
qalbigana ilays iyo
iftiinbaad u noqotee

aynigaagan oo klae
nin ayaanlebaa helaa

edeb badaneey
asalkii soomaaliyeey
adeec sharaf lagu asteeyeey
iniqi kaama dhinoo ayadee

Exit mobile version