Bishaaradii naftaydaay
Bugto waxaan kuu soo maray,
Batallaalihii uu
Boodhari ku aasnaa.

Ilaa buurtii Daalood,
Buraan iyo Hadaaftimo,
Ceerigaabo iyo Badhan
Beleddadii kalgacallada.

Iyagoo barwaaqo ah
Biyuhuna qulqulayaan
Balliyaduna buuxaan,
Soo booqday awgaa.

Sidaan ahay bukaansocod,
Markii baanto lays yiri,
Bilaneey la’aantaa,
Lay baxnaannin kariwaa

Bini-aadan baad tahay
Bashar kula midaan ahay
Naf kuu baahan baanee,
Barbarkaaga ila qabo

Bishaaradii naftaydaay
Ballan aan axdi u galay
Weligey ma beeneyn ,
Uma laba-bogleyn ruux.

Belbelkaniyo naartani
Bixisadan ku haysiyo,
Waa maxay badweyntani!
iyo Baaxadsoorahan

Ku boqraye ha baayicin
Hayska dhigin biraan jabin,
Buuraan la mari karin,
Beena hayska dhaadhicin
Baxsantaan jeclaayeey

Baadiyoobay awgaa,
I badbaadi maantaad
Sida bahal i sidataa

Bani-aadan baad tahay
Bashar kula midaan ahay
Naf kuu baahan baanee,
Barbarkaaga ila qabo!

Exit mobile version