VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Bishaaro - Lyrics

Bishaaradii naftaydaay Bugto waxaan kuu soo maray, Batallaalihii uu Boodhari ku aasnaa. Ilaa buurtii Daalood, Buraan iyo Hadaaftimo, Ceerigaabo iyo Badhan Beleddadii kalgacallada. Iyagoo barwaaqo ah Biyuhuna qulqulayaan Balliyaduna buuxaan, Soo booqday awgaa. Sidaan ahay bukaansocod, Markii baanto lays yiri, Bilaneey la'aantaa, Lay baxnaannin kariwaa Bini-aadan baad tahay Bashar kula midaan ahay Naf kuu baahan baanee, Barbarkaaga ila qabo Bishaaradii naftaydaay Ballan aan axdi u galay Weligey ma beeneyn , Uma laba-bogleyn ruux. Belbelkaniyo naartani Bixisadan ku haysiyo, Waa maxay badweyntani! iyo Baaxadsoorahan Ku boqraye ha baayicin Hayska dhigin biraan jabin, Buuraan la mari karin, Beena hayska dhaadhicin Baxsantaan jeclaayeey Baadiyoobay awgaa, I badbaadi maantaad Sida bahal i sidataa Bani-aadan baad tahay Bashar kula midaan ahay Naf kuu baahan baanee, Barbarkaaga ila qabo!
Queue is empty
-- / --