Haddii samarkuba wax keeno
Dulqaadkuna uu sad buuxsho
Sasabo lagu helo wanaagga
Anaa sanadahan kudaalay

Anaa sadrigiyo quluubta
Kusoora waxaan filaayay
Naftaan seetada kudaashay
Sidaan rabay weli magaarin

Midkaan u saboolay waayo
Hurda uga sara kacaayay
Miyaa igu sahashanaaya
Waxaan silcayoo bugtooday

Waxaan sugayaa jacaylkoo
Intuu ila sii sabbeeyoo
Dookhuna ani ii sareeyo
Sirtiisa bal aayar
Aaan yar dhawrno
Halkuu saldhiggiisu yahay

Exit mobile version