kalgacaylku waa qani
waa quruxda aadmiga
dhisme qoys yagleelmiyo
noloshuu ka yahay qayb

lamaanaha qudhoodiyo
qalbiyada mataanoobay
caaway aqal galkoodii
aroos qiimo wayn tahay

jacaylkan koobka qaadee
aroos qaran weeyiye
cali wuu u qalmaayee

qorantiisa aaliya
ha loo qaado astaanta
qiimaha calankeena

kalgacaylku waa qani
waa qiimaha noolaha
qodob aan la jabin karin
noloshuu ka yahay qayb

lamaanaha quluubtiyo
qaybsaday jacaylkoo
caawaad qodobkii guushiyo
libta qurux ku gaadheen

Exit mobile version