wakiil iyo naftani
wehel baad u tahoo
wakhtigaan ku tabo
waykan baad tidhaa
wabi caashaq baad
i waraabisaa

walaaciyo dhibtaad
iga waanisaa
warwarkoo dhan baad
iga waabisaa
wadadii janadaad
ani igu wadaa

adigaa wadnaha

qalbigayga wadhan

oo walaahi dhaar

igu waynidee

waligaaba jiroo
waligaaba joog

sida waalidkii
waagii baryaba
qofka ii warwara
ee iga warwara
waa tahay macaan
waanan kuu ogahay

wajiyo is fahmoo
isku waarayaan
kala weecanayn
waynu leenahee
isma waayaynee
wacadkeena dhawr

adigaa wadnaha

qalbigayga wadhan

oo wlaahi dhaar

igu waynidee

waligaaba jiroo
waligaaba joog

Exit mobile version