jano weeyi caashaqu
ama jamasha xoog lahoo
laba jaad awligood
kula jaaray nolosha
ka unkamay jaleecada

ana dookh i jiitiyo
jideeye caashaq igu helay
yaa ikaa dul joojo
ii kaa jaraaya
ha i jabin nacabkoo
ha ka jeedsan ruuxdana

kama jeedsado geesigu
nafgayaan ka jamatoo
nin ragiyo haween jecel
uma jaro xidhiidhke
iga daa jigaarkoo
bal jaawaabsan iisheeg

qalbi jirnaxaan kaa raba
kuu qaboo jiryoon
geyaankood ka jabiso
jug looma geystee
bal jawaabsan iisheeg

jirjirada halbaw;aha
adaa dhex jiifoo
janadii sidaa tahay
ama tahay wadnaha jeega

jabaad iyo anoo reer
jees kula wadaago
farxad aynu jaarna
hadba la ii jilaayo
kolka aan yar jiifsado
jawi aan ku kulana
marba la idhex jooja

Exit mobile version