VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Ceelbuur mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Salad Darbi
Ceelbuur

Culays uma dhaqaaqdoo mana cararto,
Cagta socodka kuma dhererto ciidee,
Wey cidhib-sataa

Ceeb ma leh yartaniyoo
Quraankaa cadayoo
Caynkeeda oo kale
la cadaabi maayee

Waa curad ninkii dhalay,
Laga siiyo cuuddoo
Waa curad ninkii dhalay,
Mahad looga celiyaa

Cuddudaha gamcaha
Cidayaha faraha,
Casarkii cadceeddoo
Godka cidhifka gelisoo
Ka sokeeya caaddoo
Falaadh wada casaanaa
Ku cadaysay baalaha

Ama laanta canabkoo,
hoobaan la ciirtiyo
Cambaruud bislaadiyo,
cagaarkoo iftiimiyo
Caleen ubaxa bixisoon,
cidi daaqin weeye

Ilaa cidhibta hoosiyo
tinta caaradeeda,
Cad xun ku arki maysidee,
Ama cidhibta hoosiyo
Naasaha caaradeeda,
Cad xun ku arki maysidee,

waxa ay la cayn tahay
Cidla lama amaanee
waxa ay la cayn tahay
Sida geed caleenoo,
cosob uu ka baxayoo
Intuu roob ku curanyay
Laamaha caleentii
ay midiba cayn tahay
Lagu wada ciyaaroo,
loo ciid tagoo
Caano iyo nabadloo
Ceel buur ku yaalay,
caynkiisa leedahay

Ceel buur ku yaalay,
Cidla lama amaanee
Ceel buur ku yaalay,
caynkiisa leedahay

Ma cel-celiso haddalkoo,
runta kama cabsootee
Carab-dalable callool weecsan
Kugu lama caweyso

Cayn kastaba u eegoo,
cadho ku arki maysidee
Cid waxay ku dhaaftaa,
kolay camal samaantee,

Waa curad ninkii dhalay,
laga siiyo cuuddoo,
Waa curad ninkii dhalay,
mahad looga celiyaa

Cuddudaha gacmaha
Cidiyaha faraha,
Casarkii cadceedoo,
Godka cidhifka gelisoo,
Ka sokeeya caaddoo
Falaadh wada casaana
Ku cadaysay baalaha
Ama laanta canabkoo
Hooban la ciib tiyo
Canbaruud bislaadiyo
Cagaarko iftiima iyo
calaama ubaxa bixisoo
cidi saa u eegeen,,

Ilaa ciribta hoo siyo
tinta caaradeeda
cad xun ku arki meeysidee

Waxa ay la cayn tahay,
Cidna lama amaanee
Sida geed caleenoo
Cosob uu ka baxayoo
Intuu roob ku curanyay
laamaha caleentii
Ay midiba cayn tahay
Lagu wada ciyaaroo,
loo ciid tagoo
Caano iyo nabadloo
Ceel buur ku yaalay,
caynkiisa leedahay.

codkii Salad Darbi