VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Ceelbuur - Lyrics

Culays uma dhaqaaqdoo mana cararto, Cagta socodka kuma dhererto ciidee, Wey cidhib-sataa Ceeb ma leh yartaniyoo Quraankaa cadayoo Caynkeeda oo kale la cadaabi maayee Waa curad ninkii dhalay, Laga siiyo cuuddoo Waa curad ninkii dhalay, Mahad looga celiyaa Cuddudaha gamcaha Cidayaha faraha, Casarkii cadceeddoo Godka cidhifka gelisoo Ka sokeeya caaddoo Falaadh wada casaanaa Ku cadaysay baalaha Ama laanta canabkoo, hoobaan la ciirtiyo Cambaruud bislaadiyo, cagaarkoo iftiimiyo Caleen ubaxa bixisoon, cidi daaqin weeye Ilaa cidhibta hoosiyo tinta caaradeeda, Cad xun ku arki maysidee, Ama cidhibta hoosiyo Naasaha caaradeeda, Cad xun ku arki maysidee, waxa ay la cayn tahay Cidla lama amaanee waxa ay la cayn tahay Sida geed caleenoo, cosob uu ka baxayoo Intuu roob ku curanyay Laamaha caleentii ay midiba cayn tahay Lagu wada ciyaaroo, loo ciid tagoo Caano iyo nabadloo Ceel buur ku yaalay, caynkiisa leedahay Ceel buur ku yaalay, Cidla lama amaanee Ceel buur ku yaalay, caynkiisa leedahay Ma cel-celiso haddalkoo, runta kama cabsootee Carab-dalable callool weecsan Kugu lama caweyso Cayn kastaba u eegoo, cadho ku arki maysidee Cid waxay ku dhaaftaa, kolay camal samaantee, Waa curad ninkii dhalay, laga siiyo cuuddoo, Waa curad ninkii dhalay, mahad looga celiyaa Cuddudaha gacmaha Cidiyaha faraha, Casarkii cadceedoo, Godka cidhifka gelisoo, Ka sokeeya caaddoo Falaadh wada casaana Ku cadaysay baalaha Ama laanta canabkoo Hooban la ciib tiyo Canbaruud bislaadiyo Cagaarko iftiima iyo calaama ubaxa bixisoo cidi saa u eegeen,, Ilaa ciribta hoo siyo tinta caaradeeda cad xun ku arki meeysidee Waxa ay la cayn tahay, Cidna lama amaanee Sida geed caleenoo Cosob uu ka baxayoo Intuu roob ku curanyay laamaha caleentii Ay midiba cayn tahay Lagu wada ciyaaroo, loo ciid tagoo Caano iyo nabadloo Ceel buur ku yaalay, caynkiisa leedahay.
Queue is empty
-- / --