waxaad jeceshahay lama helo naftaydaay
wax ku jecelna diidee
ma ogtahay janada udug nimaan jarin
usoo marin sahal lama dhex joojee

hadaad jamato geed adag oonad hayn
wax kuu jara jabin mayso gacantuye
haku daalin jeedaal indho sooma jiidan
qalbi kaa janjeedha

lugtii jeeni dhaaftaa nafteydaay
way jactaaye ma ogtahay wabi soo
jabsadiyo bada jawle ma ogtahay
caga lama dhex joojee

hadaad jamato cadawgaa iyo ruux
ku jiidh neceb hadhka kuuma jiidee

Exit mobile version