waa ubax xareed ka abuurmay
ilays weeye maanka iftiimshay
waa udug ilaa xad i deeqay
arageeda waan ashqaraaray

quruxduu ILAAH ku ilhaamay
aradkaba qof aan ku ishaaro
ama ruux inuun la agjoojo
ifka wali dhigeed lama uumin

anigana jacayl ka abuurmay
eegmada kolkay igu beertay
oontira miyay istareexa
naftan igu jirtaa ogaalatay

waa ugub asluub ku barbaartay
indheer garad weeyi qof aqoon le
waa ahlu diin ixtiraam le
ana waa indhaha i hagaaya

edebtiyo xishood asturnaanta
eray sami odhaah daganaanta
asalkiyo hidaha ku adkaynta
iyadaa filkeed u horaysaa

Exit mobile version