VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Oontira - Lyrics

waa ubax xareed ka abuurmay ilays weeye maanka iftiimshay waa udug ilaa xad i deeqay arageeda waan ashqaraaray quruxduu ILAAH ku ilhaamay aradkaba qof aan ku ishaaro ama ruux inuun la agjoojo ifka wali dhigeed lama uumin anigana jacayl ka abuurmay eegmada kolkay igu beertay oontira miyay istareexa naftan igu jirtaa ogaalatay waa ugub asluub ku barbaartay indheer garad weeyi qof aqoon le waa ahlu diin ixtiraam le ana waa indhaha i hagaaya edebtiyo xishood asturnaanta eray sami odhaah daganaanta asalkiyo hidaha ku adkaynta iyadaa filkeed u horaysaa
Queue is empty
-- / --