jacayl qiiro lagu baanto
qiimo siini kari waayay
run anoo u qaba baahi
beenta qiil u heli waayay

qosol cadhada kala baadnay
qoomamana iskaba daayay
qorshayaal anoo yeeshay
qadar dhaca la saaxiibay

qalbigana dhibka u diiday
waxaan ii qalmayn diiday
nolol qurux lahayn diiday
qalad qalad ku saxa diiday

qof naftayda doonaynin
qasab yeeli kari waayay
anoo qaaliyoo dheeh leh
u ooy ruux qasdiyay waayay

dadnimada qiraalkeeda
qab ku dayrin kari waayay
karaamada qudhaydaa leh
qalqaloocin kari waayay

qalbigana dhibka u diiday
waxaan ii qalmayn diiday
nolol qurux lahayn diiday
qalad qalad ku saxa diiday

Exit mobile version