VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Wax aan ii qalmayn diiday - Lyrics

jacayl qiiro lagu baanto qiimo siini kari waayay run anoo u qaba baahi beenta qiil u heli waayay qosol cadhada kala baadnay qoomamana iskaba daayay qorshayaal anoo yeeshay qadar dhaca la saaxiibay qalbigana dhibka u diiday waxaan ii qalmayn diiday nolol qurux lahayn diiday qalad qalad ku saxa diiday qof naftayda doonaynin qasab yeeli kari waayay anoo qaaliyoo dheeh leh u ooy ruux qasdiyay waayay dadnimada qiraalkeeda qab ku dayrin kari waayay karaamada qudhaydaa leh qalqaloocin kari waayay qalbigana dhibka u diiday waxaan ii qalmayn diiday nolol qurux lahayn diiday qalad qalad ku saxa diiday
Queue is empty
-- / --