jacayl qurux iyo wanaag
haduu qiimo uun lahaa
qiyaastii luuqda wacan

qadarin ruux looga hadhay
ogow qadra daahir cige
inay tahay tii loo qiray

bal qabo caashaqa haboon
ka dhawr qadafiyo xumaan
qalooc hadal ha igu odhan
qumanibay laba is jeceli
la soco qoys ugu dhaqmaan

kalgacalkii qaayo badan
dadkii wada qaatay nolol
xasuusaha waa ay qoraan

qalbiga ruux kaa yaal
naftana aad qaybsateen
marnaba ma loo quudhaa xumaan

Exit mobile version