wehelkii naftaydaay
waqtiga faraxiisa
wareegtada aduunka
wixii wacanoo dhan
walaahi adaa leh
adaa le adaa le
walaahi adaa leh

kolkaan yar walaaco
waayuhu igu ciiro
weedhaha kalgacalka
wahabka iga duusha
walaahi adaa leh
adaa le adaa le
walaahi adaa leh

waalidka ducadooda
wanaag falidiisa
walaahi adaa leh

wajiga widhwidhaaya
waysaba laga daynin
walaahi adaa leh
adaa le adaa le
walaahi adaa le

sidii waa baryaaya
quruxda walac laysa
aadmigu ku wareero
wixiii wacanoo dhan
walaahi adaa leh
adaa le adaa le
walaahi adaa leh

wiilashii indhahayga
wadnaha bidixdiisa
waaxyaha oogadayda
wanaagsan adaa leh
walaahi adaa leh
adaa le adaa le
walaahi adaa leh

Exit mobile version