VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Walaahi adaa ileh - Lyrics

wehelkii naftaydaay waqtiga faraxiisa wareegtada aduunka wixii wacanoo dhan walaahi adaa leh adaa le adaa le walaahi adaa leh kolkaan yar walaaco waayuhu igu ciiro weedhaha kalgacalka wahabka iga duusha walaahi adaa leh adaa le adaa le walaahi adaa leh waalidka ducadooda wanaag falidiisa walaahi adaa leh wajiga widhwidhaaya waysaba laga daynin walaahi adaa leh adaa le adaa le walaahi adaa le sidii waa baryaaya quruxda walac laysa aadmigu ku wareero wixiii wacanoo dhan walaahi adaa leh adaa le adaa le walaahi adaa leh wiilashii indhahayga wadnaha bidixdiisa waaxyaha oogadayda wanaagsan adaa leh walaahi adaa leh adaa le adaa le walaahi adaa leh
Queue is empty
-- / --