nin jacayl haleeloo dareen uu hogaansho
hadafkiisa uu yaha inuu helo midu rabay
hibashada ma daayo hindisaha had iyo
jeer
sow hanaankeed ima hodin oo ima hanqaarin
haybadeediyo horjoogeed indhaha halacsigediyo
qalbi halafsigeedi naxariista hadalka hasawaha
tusaalaha xishood lagu hagoogee

waa hubaa inaan naftayda hanatoo
u hamuun qabtee la iikaa hibeeyoo
hodan la iiga kaa yeel

oon baad lahaynoo dayr iyo gu aan helin
hanfi iyo kulaylaha hungurigii ku hooroo
oo lagu hawaawiro maatidii haleelo
madarkii uu ku hooroo beeshu ay haleesho
dhaayihiina ay hirteenoo hiyi raaca noolihiyo
hanqalada u taageen iyagoo harad qaba
sidooda hamiyow u qaba hilowga

Exit mobile version