Sida qadawga dhabigoo
Qun u baxay madheedhkoo
Ku qobeen daruuruhu
Qacdii aan ku halacsaday
Qotanka iyo laafyaha
Talaabadii aad qaadaa
Qandho ii haleeshoo
Ku qaboobay madashii
2x

Waa qaadir mahadii
Qormo inaan yagleelo
Waa qaadir mahadii
Qormo inaan yagleelo
Aynu qoys wadaagnee
Qalbigayga kuu nugul kuu nugul
Ku qulaami caashaqa ayaaneey
Ku qulaami caashaqa ayaaneey
2x

Haday quruxdu ehel iyo
Qolo iyo dir leedahay
Qeybtii suleekhiyo
Adaa qaatay koobkii
Qorshihii haweenkiyo
Adaa qaalibay dumar
Quruskay lahaayeen
Rabi qoortaa kuu sudhay
2x

Waa qaadir mahadii
Qormo inaan yagleelo
Waa qaadir mahadii
Qormo inaan yagleelo
Aynu qoys wadaagnee
Qalbigayga kuu nugul kuu nugul
Ku qulaami caashaqa ayaaneey
Ku qulaami caashaqa ayaaneey
2x

Ku qulaami caashaqa ayaaneey
Ku qulaami caashaqa ayaaneey
Ku qulaami caashaqa ayaaneey
Ku qulaami caashaqa ayaaneey

Exit mobile version