VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Kuqulaami - Lyrics

Sida qadawga dhabigoo Qun u baxay madheedhkoo Ku qobeen daruuruhu Qacdii aan ku halacsaday Qotanka iyo laafyaha Talaabadii aad qaadaa Qandho ii haleeshoo Ku qaboobay madashii 2x Waa qaadir mahadii Qormo inaan yagleelo Waa qaadir mahadii Qormo inaan yagleelo Aynu qoys wadaagnee Qalbigayga kuu nugul kuu nugul Ku qulaami caashaqa ayaaneey Ku qulaami caashaqa ayaaneey 2x Haday quruxdu ehel iyo Qolo iyo dir leedahay Qeybtii suleekhiyo Adaa qaatay koobkii Qorshihii haweenkiyo Adaa qaalibay dumar Quruskay lahaayeen Rabi qoortaa kuu sudhay 2x Waa qaadir mahadii Qormo inaan yagleelo Waa qaadir mahadii Qormo inaan yagleelo Aynu qoys wadaagnee Qalbigayga kuu nugul kuu nugul Ku qulaami caashaqa ayaaneey Ku qulaami caashaqa ayaaneey 2x Ku qulaami caashaqa ayaaneey Ku qulaami caashaqa ayaaneey Ku qulaami caashaqa ayaaneey Ku qulaami caashaqa ayaaneey
Queue is empty
-- / --