timaha sanka dhaafay
suniyaha bil la moodo
sanqaroorka la dhiibshay
suuradadaada iyo muuqa

sawirkaaga wanaagsan
markaan isha saaray
allahii ku sameeyay
ayaan u sujuuday

hu ku siiyay naftayda
sida aad u dhamayso
sifahaga i deeqay
adaa san ku neefle
muunay u sareeya

sarmibaaba ii qaaday
kolka aad soconayso
suuradaada na saaqay

sida aad qofka liita
u saacid dhaqaale
habsami socodkaagu
saamee noloshayda

sawdkaaga wanaagsan
codkaa sixir mooday
ayaan ku sakhraamay

Exit mobile version