dharaaraha wacnaanta lehe
ruux kula wadaagoo
warka adiga kaa gura
markay kaa wareertee
waayuhu ku ciilaa
haduu kaa wareegado
ruuxaad ku wayntoo
wadnihiisa kugu qoray
miyaa wax dheef la siistaa

waqtiyada xaniinka lehe
ruux kula walwaloo
warka adiga kaa jira
markay kaa wareertee
waayuhu ku ciilaa
haduu kaa wareegado
ruuxaad ku wayntoo
wadnihiisa kugu qoray
wax dheefa la siistaa

Exit mobile version