Iley gardarooy waxaa
Godlataa markii gurac iyo
Xumaan la guntoo
Qofkii garta laa
Go'doon laga dhigo

Anaa ku gartaye bal aan
Gocashada gadaal u noqde

Ileyn gardarooy hadaan
Garashada gabad laga dhigin
Beesha gabigeed waad Gubtayo gan baad ka dhigtaa

Ileyn gardarooy waxaad
Gablantaa markaad
Gacal iyo walaal dhax
Gashoo garaadka haboon Gundaha kaa xiro

Anaa gil gishaye bal
Aan garaad xume
Godoonsho runtee

Ileyn gardarooy hadaan
Garashada gabad laga dhigin
Beesha gabigeed waad
Gubtayoo Gan bad ka dhigta.

Lyrics by: Abdi deeq

Exit mobile version