naa garan waxaan gudoo
naa garan waxaan galoo

gabadh waa la noqon jiray
guudna waa la daban jiray
gayaana waa u imaan jiray
guurna waa dhex mari jiray

gardaridaa inaabtaay
miyaan xaalba kugu gu'in

geenyayahay waxaad tahay
taan gacanta siiyay
geedka aan u waabshay

gacalnimo ha fududayn
garashada ha baal marin
jacaylkana ha kala gadin
guushana ha kala dhimin

adigo oo aan gu' waynayn
gededu naaska kaa bixin
sowtaan gacan ku siin jiray

gantaalihii jacaylkaa
adigaa i galiyoo
markaan iigu gacalsii
iga gaysay nabadee

Exit mobile version