inkastoo dharaarahan
dhalanteedka caashaqa
dharabtiisu igu taal
adna dheedheeliyo
dhayalbaad moodaa

dhulka kumaan dhigin
dhagar kumaan galin
qalbigaad qalbigaad ku dhigantay

ha iga dheerayn jacaylkeee he he he he
kol hadaynu dheef iyo
dhib wadaagba aan nahay
waa inaan sidii dhalaankii
u dhool dhoolinaayoo
dhabta aan ku haynaa

inkastoo ay dheerayd
dhaawiciiina muu bi'in
lafta dhabarka celisiyo
dhamaan waaxyahayguu
dhankastaba u raacee

dhibta umaan dhalan
dhaxal umaan helin
dumar waa la dhawraa

Exit mobile version