hubqaadiyo qurux
yartii hanataay
haybad iyo sharaf
tii looga hadhaay
hubaal naftaydii
tay u hilowdaay

hangal iyo muuq
kaan u heelano
haybadiyo maan
kii horseedoow
naftan hugunsan
kay ku hiratoow

hablaha idilkood
tii aan ka helaay
haweenba dhamaan
taan la hayaay
hargaysiyo hawd
taan ka haybshaay

qaxdooyo hirii
kaan ka helayow
hanadoo idil
kii aan la hayow
haniyow wadnahuhu
kuu u habayow

hasaasaha guur
taan habsoobaay
hawaawi jacayl
taan hadraayaay
habeenada dheer
taan hanaanshaay

heerka nololeed
kaan higsanayow
huqda caashaqa
ka igu huriyow
sida hogol roob
kii u hirayow

Exit mobile version