Tabaaalaha aduunyada
In kastoo la tiicoo
Qeyrkaygu iga tagay iga tagay
Wali waan tartamayaa
2x

In kastoon tabanahoo
Taladii xumaatoo
In kastoon tabanahoo
Taladii xumaatoo
Kala tagay dadkaygii
Wali waan wali waan
Wali waan tilmaamaa
Wali waan wali waan
Wali waan tilmaamaa
2x

Taxana aduunyadu
Waa tilkal ayaamoo
Kolba qolo ku taagane
Ana taan la tabanahay
Waa talo ilaahoo
Kol uunbay tagaysaayoo
Tahankaygii soo noqon
2x

In kastoon tasooboo
Dadkaygii tagoogtiyo
Turuqyada is gooyeen is gooyeen
Wali waan talaabaa
2x

In kastoon tigaadiyo
Taagtii dadkaygiyo
In kastoon tigaadiyo
Taagtii dadkaygiyo
Taxadhkii yaraadeen
Wali waan wali waan
Wali waan talinayaa
Wali waan wali waan
Wali waan talinayaa
2x

Taxana aduunyadu
Waa tilkal ayaamoo
Kolba qolo ku taagane
Ana taan la tabanahay
Waa talo ilaahoo
Kol uunbay tagaysaayoo
Tahankaygii soo noqon
2x

Exit mobile version