Ixir xiray jaceylkaagu
Igu badan xasuustiisu
Xasisho nafteydu deqday
Adigaa xiskey buuxshay

Xubi galisay maankeyga ku
Xadreysay laabteydan
Xili qura ku moogaanin

Kashaan adiga ku xaaran
Xiisuhu ahaa macaan
Xiisuhu ahaa karaar dhaafyey aan u noqonin adigaa adigaa
Xaaskaaga xumadaan
Ideyn meyso

Xidigyahow jaceylkagu ku
Xawilan quluubteyda
Xubnaheyga kuu ooman ku
Xurmeey dareenkaaga

Ku xanjeernidaa jeernid
Ku xanjeernid beerkeyga
Xididada wadnaha baa
Xera dhigatay badidood

Kashaan adiga kuu xaaran
Xiisuhu ahaa macaan
Xiisuhu ahaa karaar dhaafyey
Aan u noqonin adigaa adigaa
Xaaskaaga xumadaani
Ideyn meyso.

Lyrics by: Abdi deeq

Exit mobile version