VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Xumad jacayl - Lyrics

Ixir xiray jaceylkaagu Igu badan xasuustiisu Xasisho nafteydu deqday Adigaa xiskey buuxshay Xubi galisay maankeyga ku Xadreysay laabteydan Xili qura ku moogaanin Kashaan adiga ku xaaran Xiisuhu ahaa macaan Xiisuhu ahaa karaar dhaafyey aan u noqonin adigaa adigaa Xaaskaaga xumadaan Ideyn meyso Xidigyahow jaceylkagu ku Xawilan quluubteyda Xubnaheyga kuu ooman ku Xurmeey dareenkaaga Ku xanjeernidaa jeernid Ku xanjeernid beerkeyga Xididada wadnaha baa Xera dhigatay badidood Kashaan adiga kuu xaaran Xiisuhu ahaa macaan Xiisuhu ahaa karaar dhaafyey Aan u noqonin adigaa adigaa Xaaskaaga xumadaani Ideyn meyso. Lyrics by: Abdi deeq
Queue is empty
-- / --