intaan aadmiga ka baydhay
adaan kaligaa ku doortay
uunkana kaligaa ku doonay
intaan raga kaaga caagay
adaan kaligaa ku siistay
ku dhaatay inaan ku eegto
abuuryahay maanku deeqay
aduu quruxdii aduunka
illaah kaligaa ku siiyay
haldoor yahaw erayadaada
akhlaaq iyo dhaqan kuu raacoo
naftaa istareex ka qaada
ku aaminay ha i cidlaynin
xidhhidhkeenana ilaali
adaan isku kaa haleeyay
naftayduna kugu amaano
i love you igu walaahi
waxaan axdi kuugu qaaday
inaan ku ilaashanaayo
naftayduna kugu amaano