Nimco maandhayaay
Marwadii xalaashee
Mawlahay isiiyaay
Maalintaan ku helayee
Meherkeenu dhacaybaa
Naftu kuu maqsuudoo
Marxabiyo gudoon idho
Xaawalay markaan xulay
Midaan bilicda kula dhigo
Ama maamus kula simo
Ii muuqan maysee
Waligaa mushkiladiyo murugiyo ha mudan ciil
Nimco maan daweeyaan
Mudantaan ku faanee
Miisaan udhalataay
Adigaa milgiyo sharaf
Iyo magacle maamuus
Macaan kuu hayaayoo
Meel wayn igaga yaal
Xaawalay markaan xulay
Midaan bilicda kula dhigo
Ama maamuus kula simo
Ii muuqan maysee
Waligaa mushkiladiyo
Murugiyo ha mudan ciil

Exit mobile version