soodigan jaleecada
jaahaaga nuurka leh
isoo jiidanaayoo
jawi farax i galiyoo
jamashada dartaabaan
afkii juuqda gabayoo
qalbigii janjeertaa
soo jiidanaysaa
joogi waayay awgaa
waan jiifsan waayoo
jeexaygii midigoow
naftu way ku jeceshee
jaanta ma isla qaadnaa
sookaa jacayl daran
laabtayda jabiyoo
mudo horeba maankiyo
wadnahayga jabaq yidhi
jaahwareerka caashaqa
jihadiiba waayoo
adna jaalayhaygoow
ii jiidh naxaysaa