saadaasha hankayga
markuu sadrigeyga
su,aalayo dookha
inuu sawirkeeda
caashaqa ku sifeeyo
daruur subax hoortay
saxbaan u arkaaa dheh
anoo ku sag saagiin
hadaad i saluugto
rajada samirkeeda
waxan sugi maalin
anoon sal dhigiisa
siyaaran jaceylka
sirtiisa helaaye
in geelu ku soofo
sidkaha dhalay ruuxa
sibraar ugu heesa
malaaha sumadiisa
sarifo kalgaceylka
siyaado ku raacdey
sagaal tobankeeda

Exit mobile version